WAR DEG DEG AH+SAWIRO: Madaxweyne Gaas oo Isbitaal ku booqday Wasiirka Amniga ee Puntland

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti ayaa maanta 09-May-2016  cusbitalka Cumar  Xasan Al-bashiir ee magaalada Jabuuti ku booqday Wasiirka amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo lagu dabiibayo cusbitalkaasi.

Booqashada ayaa Madaxweynaha waxaa ku welinayey Marwada koowaad ee Puntland Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed iyo xubno ka mid ah waftigii uu  Madaxweynuhu hoggaaminayey ee ka qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Agaasimaha Cusbitalka ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey xaaladda guud ee Wasiirka waxaana uu sheegay in uu Wasiirku aad u caafimaad qabo isla markaana xaaladiisu ay meel wanaagsan marayso balse maalmo kooban lagu sii baxnaanin doono cusbitalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wasiirka ku booqday qolka uu cusbitalka ka jiifo, waxaana uu si gaar ah uga waraystay guud ahaan xaaladihiisa caafimaad iyo waxa uu dareemayo maadaama uu Wasiirku  muddo kooban ku jirey cusbitalkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Amniga dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa Madaxweynaha u sheegay in uu cusbitalka kala kulmay maamuus aad u heer sareeya iyo adeeg caafimaad oo wanaagsan isla markaaana uu dareemiyo jawi caafimaad oo aad u wanaagsan kadibna uu dib ugu laaban doono Puntland.

1 2 3 4 5 6 7 8