Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo u amba baxay Dalka Jabuuti

0

Wafdi ballaran oo uu hogaaminaayo  Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay galabta u amba baxeen Magaalada Djibouti ee dalka Jabuuti halkaas oo lagu wado in lagu qabto caleema saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga Madaxweynaha, ayaa waxaa lagu wadaa in Axadi berrito ah ay dalkaasi kaga qaybgalaan caleemo saarka Madaxweynaha Jamhuuryadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafuud caalamiya oo ka qeyb galaysa caleema saarka hogaamiyaha Jabuuti ayaa kusoo qulqulaysa dalka Jubuuti,waxaana maanta halkaas gaaray madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali