WARBIXIN CUSUB:- Dalxiisayaasha Caalamka oo weli ka baqaya Weerarada Al Shabaab

0

Warbixin Cusub oo ay soo saartay Hay’adda tirokoobka ee Dalka Kenya (KNBS) ayaa lagu sheegay in dalxiisayaasha Caalamka ay weli ka baqayaan in ay yimaadaan Dalka Kenya.

Hay’adda KNBS ayaa qeexday in Dalxiisayaasha Reer Galbeedka ay ka baqayaan Weeraro horleh oo ay soo qaadaan Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Agaasimaha Hay’adda tirokoobka ee Dalka Kenya  ayaa waxuu tilmaamay in Kenya ay sameysay dadaalo ay ku soo ceshaneyso Dalxiisayaasha Sanaddii 2015-ka balse aan weli waxba ka soo naasa cadaan dadaaladaasi  maadaama Dalka uu wajahayo Weerarada Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Dhaqaalaha Dowladda Kenya ayaa curiyaamiyay digniino dhanka safarka ah oo ay soo saareen Dowladdaha Britain, Mareykanka iyo Faransa waxaana Dalalkan lagu tilmaamaa halka ay ka yimaadaan Dalxiisayaasha ugu badan.

Dalalkan ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay sii joogaan ama ay dalxiis u tagaan qeybo ka mid ah Dalka Kenya, maadaama ay sheegeen Dalka Kenya uu wajahayo Weeraro Xoogan oo ka yimaada Xarakada Al Shabaab.

Warbixintan ayaa ku soo aadeysa maalin un kadib markii Booliska Kenya uu shaaciyay in ay fashiliyeen Weerar la mid ah kii Westigate lagu qaaday oo kale, islamarkaana ay soo qorsheeyeen Ururka Daacish oo ku xoogan Dalalka Ciraaq iyo Syria.