WAR DEG DEG:- Maxkamada Sare Koonfur Galbeed oo awaamiir soo saartay

0

Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay soo saartay awaamiir ku aadan Kiisaska Dacwooyinka ah ee lagu qaado Magaalada Muqdisho inaysan ka dhaqangaleyn Deeganada maamulkaasi.

Sheekh Axmed Cabdulaahi Xuseen Fanax Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay Cabashooyin badan inay ka soo gaartay Bulshada Deeganada Koonfur Galbeed oo ku aadan Dacwadaha Muqdisho lagu qaado.

Wuxuu sheegay Dacwad Muqdisho lagu qaado maanta kadib inaysan dhaqan galkeeda ka shaqeynayn deeganada Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in labo todobaad kadib la furi doono xarumaha Garsoorka deeganada Koonfur Galbeed oo hada kadib kiisaska dacwooyinka halkaasi lagu qaadi doono.

Digreetada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay go’aanada.

1: In la joojiyo Dhamaan Dacwadaha Caasimada Somaliya ee Muqdisho kuwaasi oo ay dadkooda ka yimaadaan deeganada ay maamusho Koonfur Galbeed Somaliya.

2:Waxaa la farayaa dhamaan garsoorayaasha inay joojiyaan inay dacwooyin ku qaadaan meel ka baxsan Xuduudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

3:Laga bilaabo maanta oo ay taariiqda tahay 5 May 2016 Ma noqon doonto Dacwadaha lagu galo meel ka baxsan deganada Koonfur Galbeed mid la tixgelin doono ama la fulin doono xukunada ka soo baxa.

4:Waxaa la soo sheegi doonaa muddo labo todobaad gudahooda Hanaanka Dacwo qaadista ee maxkamadaha Koonfur Galbeed.