WAR DEG DEG:- Madaxweyne Gaas oo kulan deg deg ah la Qaadanaya Saraakiisha Amniga ee Puntland

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa hadda shir deg deg ah la leh Saraakiisha ciidamada nabadgalyadda ee Puntland oo uu kala hadlayo arrimaha ku saabsan iska horimaadkii uu ku dhaawacmay wasiirka Amniga ee dawladda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa faray Saraakiisha Amniga in si deg deg ah wax looga qaban doono Ilaaladii saaka rasaasta is dhaafsaday, isla markaasna warar soo baxay ayaa sheegaya in uu Madaxweynuhu amar ku bixiyey in dhamaan Xabsiga loo taxaabo kooxihii arrimahan lugta ku lahaa.

Taliyaasha ciidamada Amniga ayaa la faray in baaris deg deg ah lagu sameeyo dhacdadan, waxaana Wasiirka Amniga Puntland la sheegay in uu caafimaadkiisu wanaagsan yahay oo dhaawacu dhinaca lugta ka soo gaaray.

Ciidamo badan ayaa lagu soo daadiyey gudaha magaalada oo dhan, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq xoogan, waxaana wararku sheegayaan in si deg deg ah baaritaano loogu sameyn doono iska horimaadkii saaka dhacay, iyadoo lagu ciqaabi doono kooxihii ka dambeeyey.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Gaas amar ku bixiyey in lasoo xiro cid kasta oo kamid ah Taliyaashii Arrimahan lugta ku yeelata sida ugu dhaqsaha badan, inkastoo aan warkaas wali la xaqiijin.