WAR DEG DEG:- Kulankii Baarlamaanka oo maanta Kooram la’aan u baaqday

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis u balan sanaa in ay Dood adag ka yeeshaan qaabkii Xilka looga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare Abuukaate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Xaadiray Xarunta ay ku shiraan ee Magaalada muqdsho si ay dooda qeyb uga noqdaan.

Markii laga soo baxay salaada Duhur Xiliga Muqdisho ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu Wariyaasha u sheegay in maanta la donayay ka doodista Xilka qaadistii Abuukaate Ilka-xanaf,balse Kulankii Baarlamaanka ee maanta uu u furmi waayay Kooram la’aan islamarkaana aysan imaan inta badan Xildhibaanada Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Arrintaan laga doodi doono Hadii Alle idmo Sabtida soo socota,maadaama beri ay Jimce tahay oo uusan jirin Kulanka Baarlamaanka.