WAR DEG DEG:- Ganacsade Caan ah oo lagu dhaawacay Magaalada HOBYO

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaa lagu dhaawacay Nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaano Magaaladaasi.

Ganacsadaha ayaa magaciisa waxaa lagu soo gaabiyay Cuti,waxaana uu ka mid ahaa Ragga ka Ganacsada Malaayga iyo Aargoosatada.

Goobjoogeyaal ayaa  xaqiijiyay in Ganacsadaha lagu Weeraray hoygiisa islamarkaana 5 Nin oo wata Midiyo ay si xun u dhaawacen,waxaana la soo warinayaa in Dhaawac Culus uu ka soo gaaray.

Maamulka Degmada Hobyo ee Galmudug ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan Kooxdii falka Dhaawaca ah geysatay.

Hayeeshee wali lama oga waxa Sababay Weerarka lagu dhaawacay Ninka Ganacsadaha ah ee Xalay lagu Weeraray Gurigiisa oo ku yaalla Magalada Hobyo.