WAR DEG DEG:- Ciidamada NISA oo soo qabtay Hooyo iyo Sedex Caruur ay dhashay iyo Hub ay guriga ku heysteen

0

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka oo howlgallo ka sameeyay xaafado ka tirsan demada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay gacanka ku soo dhigeen hub iyo dadkii heystay oo ku sugnaa guri ku yaal Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in howlgal saakay ay ciidamada NISA ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ay ku soo qabteen hub isugu jira qoryaha fudud iyo kuwa culus oo yaalay guri ay dagnaayeen hooyo iyo sadax carruur ah oo ku yaal degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

“Ciidamada NISA waxa ay howlgalkooda ku soo qabteen qori RBG ah iyo laba qori oo AK47 ah oo yaalay guri ay joogeen hooyo iyo sadax carruur ah oo ay dhashay. Waxaana socdo baaritaano lagu xaqiijinaayo cida leh hubka lagu soo qabtay dadkan” ayuu yiri, Afheyeenka Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane.

Tallaabadaani ayaa ku soo beegmeysa xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinaayo amni, si looga hortago qatarta kooxaha nabad diidka ee ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee aanan waxba galabsan.

XIGASHO SONNA