WAR DEG DEG:- Ciidamada Dowlada oo la Wareegay Deegaano Muhiim ah

0

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa maanta la wareegay  wargaadhi,Maxamed Saciid,Masaaji Cali Gaduud,Nuur Dugle,Cadcadeey iyo Cadaan leexeey oo dhamaan hoostaga degmada cadale ee Gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha Ciidamada Xogga Dalka ayaa sheegay in ay sii wadayaan Howlgalka ka dhanka ah Shabaab ee looga saarayo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Al-shabaab wali kama hadlin warka ku aadan wareegitaanka Ciidamada Xoogga Dalka ay la wareegen degaanada aan kor ku soo sheegnay.