WAR DEG DEG:- Barakac xoogan oo ka bilwday Deegaano katirsan Gobolka Sh/dhexe

0

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe kaasi oo saameyn ku yeeshay dad badan oo shacab ah.

Tuulada Beyxaaw ayaa ka mid ah meelaha uu ku fatahay wabiga Shabelle waxaana barakacay dad badan oo halkaasi ku dhaqnaa.

Xaamud Axmed oo ah guddoomiyaha tuuladaasi waxa uu  warqaad u sheegay in Wabiga uu kusoo fatahay qiyaastii 8 km islamarkaana ay dadkii ka barakaceen hareeraha Wabiga.

Deegaanno badan oo hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar ayaa lagu soo waramayaa in Wabiga uu ku fatahay waxaana tani ay imaaneysaa xilli digniino adag laga bixinayey fatahaad uu sameeyo Wabiga Shabelle.