TOP+FAAHFAAHIN:- Howlgalo ka dhacay Hiiraan,Sh/Dhexe iyo Galgaduud oo lagu dilay 25 Dagaal yahan oo ka tirsan AL-Shabaab

0

Taliska AMISOM ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo siyaabo kala duwan ay uga sameeyeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya.

Qoraalo kooban oo lagu soo baahiyay Barta Twitter-ka Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka sameeyeen Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh.Dhexe.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in 25 Dagaal yahan oo ka tirsan Xarakada AL Shabaab in lagu Dilay howlgallo kala duwan oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen Degaanada Ceelqoohle iyo Budbud oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

AMISOM ayaa sidoo kale qeexday in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhan Xarakada Al Shabaab.

Ilaa iyo hada majirto wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo ku aadan sheegashada Taliska AMISOM ee ah in Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab lagu howlgallo laga sameeyay Gobolka Galgaduud.