TOP+CABASHO:- Caydiid C/laahi Ilka Xanaf oo ka hadlay Xilka laga qaaday iyo Cabasho uu soo gudbiyay

0

Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa Madaxda Dowladda Somaliya ku eedeeyay inaanay ku soo wargelin xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf oo si kooban ula hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxaa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo aragtidiisa ku aadan tallaabada xilka looga qaaday.

Digreeto uu soo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii looga xayuubiyay Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, waxaana uu xilkaasi u soo magacaabay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan.

Xildhibaan C/qafaar Maxamed Oomar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxaa uu sheegay in wado khaldan loo maray xil ka qaadista Caydiid C/laahi Ilka Xanaf.

Xildhibaan C/qafaar Maxamed Oomar, ayaa ku waramaaya in Madaxweynaha Somaliya uu yahay hay’ad ka madax bannaan cadaalada, isagoo intaa ku daray in Guddiga Adeega Garsoorka ay leeyihiin shaqadaasi.

Xildhibaanka oo wareysi siiyay Idaacada Shabelle, ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu ku xadgudbaayo dastuurkii dalka.

Madaxweyne Xasan, ayaa Wasaaradda Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo laamaha ammaanka ku wargeliyay inay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka kala shaqeeyaan, sidii uu shaqadiisa ku qabsan lahaa.