TOP:- Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo sheegay in sanadkan ay diyaariyeen qorshe howleed

0

Ambassador Jamaal Maxamed Barow danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika ayaa ka hadlay arima dhowr ah oo ay ugu weyn tahay xil dhowaan dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka.

Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u soo magacowday dalalka Zimbabwe, Botswana, Namibia, Swaziland  iyo Angola oo la hoos keenay safaaradda Soomaaliya ee dalka koonfur Afrika maadaama Soomaali badan ay ku dhaqan yihiin dalalkaasi.

Danjiraha ayaa sheegay in markii soo loo magacaabay safaaradda Soomaaliya ee dalka koonfur Afrika uu xooga saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo South Africa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkan ay diyaarisay safaaradda qorshe howleed kaas oo ah in ay dowladda koonfur Afrika ay kala hadleen sidii deeq waxbarasho ay u siin lahaayeen Soomaaliya iyo in tababaro xirfadeed u fidiyaan dadka Soomaaliyeed.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ufadhiya Danjire Jamaal ayaa sidoo kale tilmaamay in dhowaan socdaal uu ku tagi doona dalalka hadda loo soo magacaabay.