TOP NEWS:- Ciidamada dowladda oo howlgallo ka sameeyay degmada Jalalaqsi

0

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga.

Waxaana la sheegay in ciidamada ay howlgalkaasi ku soo qab qabteen tiro dad ah oo lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay falal ay Al-Shabaab ka geysanayeen tuulooyin hoostaga degmada Jalalaqsi, halkasi oo ay sheegeen inay ku soo qabteen 12 ruux oo lala xiriirinayo inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in howlgalada maalmahanba ciidamada dowladda ay ka sameynayeen degmada, iyagoo tilmaamay in xaalada degmada hada ay tahay mid degan.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan gobolada dalka waxa ay ka waday howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo dhowaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ay ku dagaalameen degmada Runirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.