TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaarihii hore “Al-shabaab ha isku soo dhiibaan dowladda”

0

Cali Maxamed Geedi Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka hadlay howlgallada ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kaas oo ka soconaya gobolada qaar ee dalka.

Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in ay sii daciifeyso awooda Al-shabaab ay ku leeyihiin gobolada dalka Soomaaliya.

Waxaana uu ciidamada dowladda Soomaaliya uu ku booriyay in ay sii wadaan howlagallada Al-shabaab looga saarayo gobolada dalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa Al-shabaab ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Gobolada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ka soconaya howlgallo ka dhan ah Al-shabaab oo ay sameynayaan ciidamada dowladda.

HALKAAN KA DHAGEYSO