TOP DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan Sheekh “cadaalad daradii ay dadka ka taban jireen garsoorka way dhamaatay”

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay magacaabistii shalay uu gudoomiayaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka uu u magacaabay Ibraahim Iidle Suleymaan oo horey u ahaa Garyaqaanka Guud ee maamulka Soomaaliland, iyadoo madaxweynaha uu xilkaasi ka qaaday gudoomiyhii hore ee Maxkamadda Sare ee dalka Ceydiid Ilka-xanaf.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay yaraan doonto cabashooyinkii ay soo gudbin jireen shacabka maadaama la magacaabay gudoomiye cusub.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray dhamaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey gudoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, isagoo u ballan qaaday in dhamaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.

HALKAAN KA DHAGEYSO