TOOS U DHAGEYSO:- Qaban qaabo ka socota Baraawe & Gudoomiyaha Degmada oo sheegay in Diyaar garow loogu jiro…

0

Magalada Baraawe ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa waxa xiligaan laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeysay ee ku aadan soo dhaweynta Wafdi la filayo in ay gaaraan halkaas.

Gudoomiyaha degmada Xuseen Bare Maxamed Jeex ayaa sheegay in inta badan la dhamestiray xarumihii uu ku shaqeyn lahaa maamulka Koonfur Galbeed oo Caasimad u ah degmada Baraawe.

Maamulka Koonfur Galbeed Somaaliya ayaa xiligaan waxa uu si ku meel gar ah ugu shaqeeyaa Magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Si kastaba K/galbeed ayaa madaxdiisa waxay dhowr mar ku cel celiyeen in ay u guuri doonaan xarunta rasmiga ah ee maamulkaas walow taasi asyan dhicin balse xiligaan waxay u muuqataa in arintaasi ay ka dhabeynayaan.

HALKAAN KA DHAGEYSO