TOOS U DHAGEYSO:- Maxay ka wada hadleen maamulka Jubbaland iyo hey’adda UNICEF ?

0

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa kulan ku yeeshay mas’uuliyiin ka socotey hey’adda UNICEF iyo madaxda maamulka Jubbaland.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay sidii maamulka Jubbaland iyo hey’adda UNICEF ay uga wada shaqeyn lahaayeen dhanka caafimaadka iyo waliba daryeelka caruurta.

Maamulka Jubbaland ayaa hey’adda UNICEF waxa ay ka codsadeen in ay xarun ka furtaan magaalada Kismaayo.

Ceydiid C/laahi Xaashi oo ah wasiir ku xigeenka caafimaadka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegay in arintan ay tahay mid soo dhaweeyeen shacabka maamulka Jubbaland.

Dhowaan ayay aheyd markii mas’uuliyiin ka socota hey’adda UNICEF ay gaareen magaalada Kismaayo, iyagoo halkaasi ugaaray sidii ay u soo indha indheyn lahaayeen xaalada caafimaad daro ee ka jirta deegaanada maamulka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO