Taliye Bashiir Goobe “Talyaaniga ayaa naga caawinaya tabarada la xiriira ilaalinta maxaabiista”

0

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo howlo shaqo  u jooga dalka Talyaaniga ayaa booqday xabsiga weyn ee Luciardone  ee magaalo madaxda Jasiirada Sicilia ee Palerma.

Waxaana uu halkaasi uu kula kulmay saraakiisha xabisagaasi maamusha, iyagoo kawada hadlay sidii wadashaqeyn iyo iskaashi  ay u yeelan lahaayeen labada dhinac.

Sidoo kale saraakiishaasi  ayaa Gen Bashiir waxa uu kala hadlay sidii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay uga caawin lahaayeen dhanka tabarada la xiriira Ilaalinta maxaabiista iyo habka  loola macaamilo .

Intii uu ku sugnaa Xabsiga Weyn ee  Luciardone  ee Magaalo Madaxda Jasiiradda Sicilia ee Palerma,  Sarreeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed  ayaa lagu casuumay in uu dhageysto dacwad Maxkamadu ay ku dhageysaneysay xabsiga dhexdiisa.