Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Oo Is-casilaya

0

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa la filayaa inuu xilka ka dego, xilli xiisad siyaasadeed ay ka jirto dalkaas.

Xisbiga talada haya ee AK ayaa lagu wadaa in kulan deg deg ah isugu yimaado 22-ka bishan, waxaana warbaahinta Turkiga ay soo weriyeen inuusan raadin doonin in dib loogu doorto hoggaamiyaha xisbiga.

Dalka Turkiga ayaa laga yaabaa in laga qabto doorashooyin waqtigooda kasoo hormara.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa goor dambe oo shalay ahayd la kulmay Ahmet Davutoglu, hase yeeshee waxaa la sheegay inay ku guul darreysteen inay xaliyaan khilaaf ka dhex oogan.

Davutoglu ayaa kasoo horjeeda qaar ka mid ah siyaasadaha Erdogan oo ay ka mid yihiin is-beddel lagu sameeyo dastuurka, oo madaxweynaha dalka siinaya awood dheeri ah, xilli iminka uu yahay kaliya xil sharafeed.