DHAGEYSO: Macalimiin dalbaday in cadaalada la horkeeno kooxo Beledweyne ku dilay Macalin

0

Iyadoo dhowaan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan lagu dilay macalin Dugsi ayaa macalimiinta iyo ardayda ku nool Beledweyne waxa ay codsadeen in cadaalada la horkeeno kooxihii dilay macalin Maxamed C/laahi.

Macalimiinta iyo ardayda ayaa waxa ay cod isku mid ah udhiibteen sidii cadaalada loo soo taagi lahaa cidii dishay macalin Dugsi oo magaalada Beledweyne dhowaan lagu dilay, iyagoo sheegay in gacan ka xaq daran ay dishay macalin Maxamed C/laahi.

Shalay ayay aheyd markii taliska ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ay sheegeen in ay soo qabteen 4 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo dhowaan ka dhacay magaalada Beledweyne.

HALKAAN KA DHAGEYSO