Kooxda Daacish oo toogatay Askari ka tirsan Dowlada Mareykanka

0

Kooxda Daacish ayaa dilay askari American ah oo lataliye u ahaa kooxda Kurdishka ee ka jirta waqooyiga Ciraaq.

Wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka ayaa xaqiijisay dilka askariga oo ay ku dhacday rasaas ay cadawga soo rideen.

Rasaasta markii ay ku dhacaysay askariga maraykanka ah ayaa waxaa socday dagaalka furinta ka jiray.

Dagaalka waxa uu ka dhacay deegaanka magaalada Mosul ee dagaalo waawayn bilihii la soo dhaafay.

Magaaladda Mosul waxaa gacanta ku hayay kooxda Daacish tan iyo markii ay qabsadeen deegaano badan 2014-kii.

Tiro yar oo ciidamada maraykanka ah ayaa Ciraaq la geeyey si ay uga qaybqaataan dagaalka Daacish lagula jiro