DHAGEYSO:- Xildhibaan Xaaf ” Waa masuuliyad darro in Masiirka dalka loo gacan galiyo Beesha Caalamka”

0

Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle “ Xaaf” oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu si cad u shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay talada dalka u gacan gelisay dowlado Shisheeye isagoo nasiib darro ku tilmaamay in masiirka dalka ay maamulaan dowlado Shisheeye.

Xildhibaan Xaaf oo si qiiro leh uga hadlaayay xaaladda adag ee dalku uu ku jiro ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in wax laga xumaado ay tahay in dalka mar kale wax lagu soo doorto hanaanka 4.5 , oo uu ku sheegay mid reer Galbeedka ay ku marin habaabinayaan jiritaanka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedyada ay ku dhisan yihiin Qaab qabiil , islamarkaana ay yihiin kuwa ka qeyb qaadanaya kala qoqobida umadda Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay inta badan ka soo horjeestay Heshiiska Xukuumadda ay u soo gudbisay ee ay wada gaareen dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ayaa maanta mar kale ka sii doodi doono arrintaas.

Hoos ka Dhageyso Codka:-