DHAGEYSO:- Xildhibaan Goodax Barre “ Xukuumada Waxay noo keentay qorshe aan dhameystirneyn oo loo soo yeeriyay, mana ansixineyno”..

0

Xildhibaan C/llaahi goodax Barre oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay ayaa Xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in Baarlamaanka ay horkeentay qorshe aan dhameystirneyn isla markaana aan cadeyn halka uu u socdo.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Xukuumada Soomaaliya ay cadeyso qorshaha ay u diyaarisay doorashooyinka Dalka.

Waxa uu tilmaamay in ay wanaagsan in Baarlamaanka la horkeeno qorshooyin cad cad si ay ugu doodaan oo ay go’aano ugu soo gaaraan.

Waxa uu Xukuumada Soomaaliya ku eedeeyay in aysan ka fiirsan markii ay Baarlamaanka usoo gudbineysay qorshayaasha ku aadan doorashooyinka.

Hoos ka Dhageyso Khudbada Xildhibaan Goodax Barre:-