DHAGEYSO:- Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo gaaray gobolka Sool iyo Kulamo ka soconayo gobolkaasi

0

Wafdi Wasiiro ah oo ka socda Maamulka Puntland ayaa safar kormeer ah ku tagay Degmada Taleex ee Gobolka Sool halkaas oo ay ka jirto abaaro saamayn ku yeeshay dadka iyo duunyada.

Wasiirka Ku xigeebka Dekadaha iyo gaadiidka bada Puntland Dr Cabdulaahi Aadan Ciise ayaa ka warbixiyay waxyaabaha uu ku qotomo safarkoodu, waxaana uu sheegay in ay u kuurgalayaan xaaladda Degmada Taleex ee Gobolka Sool.

Waxaa uu sheegay in Arrimaha bulshada ay si guud ugu kuur galayaan, isla markaana ay wax badan oo dhanka nolosha ah ka taageerayaan shacabka ku nool Sool.

Hoos ka Dhageyso Codka:-