DHAGEYSO WAREYSI+SAWIRO:- Dowlada Soomaaliya oo Xarun Daacish ay ku lahayd Soomaaliya, gacantana ku dhigtay Saraakiil Sare oo ka tirsan Kooxda Daacish

0

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa ka warbixisay howlag lagu burburinaayay Xarumo Kooxda Daacish ay ku lahaayeen Soomaaliya gaar ahaan gobolka Sh/Hoose.

Xarunta la burburiyay ayaa ku taalla deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose, waxayna ahayd Xarun Kooxda Daacish ay ku tababaraan dadka ay doonayaan iney dagaal geliyaan.

Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ayaa weerar la qorsheeyay ku qaaday Mucaskar ay tababar ku qaadanayeen koox ka tirsan Daacish, halkaasna lagu dilay 12 ka tirsan kooxdaasi oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ka dib markii ay iskacaabin kala hor yimid ciidamada howlgalka sammeynayay”

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warkan qoraalka ah sidoo kale ku sheegay in gacanta lagu dhigay tiro Maxaabiis ah oo ka tirsan Kooxda ku sugneyd Mucaskarka la burburriyay, kuwaas oo qaarkood laga Daweynayo daawacyo ka soo gaaray inta uu Howlgalku Socday.

Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegay in Todobaadkan la qaaday howlgallo qorsheysan oo lagu wiiqayo Qorshayaal argagixiso oo ay diyaarinayeen Kooxda Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga kana Daawo Sawirada:-

1 2 3 4 5