DHAGEYSO:- Koofur Galbeed oo beenisay in Daacish ay Xarun ku leedahay deegaanka Janaale iyo hadalkii Dowlada oo la beeniyay

0

Iyadoo Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay sheegeen in Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha dhexe ay ku burburiyeen Saldhig Kooxda Daacish ay ku laheyd halkaa ayaa waxaa ka hadlay Maamulka Koofur Galbeed.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka Koofur Galbeed Cali C/llaahi Isxaaq ayaa sheegay in aysan jirin wax Saldhig ah oo Daacish ay ku leedahay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose,balse Al-shabaab ay dagan yihiin.

Cali C/llaahi Isxaaq ayaa Xusay in Koofur Galbeed ay la socoto in Shabaab ay halkaa joogaan balse waxaa uu beeniyay habayaraatee in Koox ka tirsan Daacish ay Xarun ku leedahay Degaanka Janaale.

Janaale ayaa hadda waxaa ku sugan Al-shabaab,iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhowr jeer Degaankas tageen kana soo baxeen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-