DHAGEYSO:- Dhalinyaro Soomaaliyeed oo si sharci daro ah ugu xeran Xabsiyada Dalka Masar

0

Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa weli ku xeran Xabsiyada dalka Masar ka dib markii la qabtay iyaga oo doonaya iney Tahriibaan ku galaan Yurub.

Dhalinyaradaan ayaa la qabtay iyagoo ku guda jira Tahriibka halka kuwa kalena la qabtay iyagoo qorsheynaya iney Tahriibaan oo is aruursanaya.

Dhalinyaradaan Soomaalida ah waxaa Tahriibka ku wehlinaayay dhalinyaro kale oo u dhashay dalalka erataria, Itoobiya iyo dalal kale.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo ay qaadeen Ciidamada Badda ee Masar ayaa lagu soo qabtay xeebaha dalkaasi, waxaana ay hada ku jiraan Xabsiyada Dalka Masar.

Hoos ka Dhageyso Codka:-