DHAGEYSO:- Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Mar kale ka doodaya qorshaha Xukuumada ee doorashooyinka

0

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya Doorashada Soomaaliya ee Sanadkaan 2016 ka dhacaysa Soomaaliya oo Xukumadda ay hor geysay Baarlamaanka.

Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka oo ka hadlay Doodii Koowaad oo Shalay ay ka yeesheen Xildhibaanadu Heshiiskii Madasha ayaa waxaa ay inta badan Sharci daro ku tilmaamen qaabka loo marayo Wadiiqada Doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadkaan dhacaysa.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in ay maanta soo gaba gabeeyaan Dooda Heshiiska Madasha qaran oo markii labaad ah maanta.

Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in Doorasho ay ka dhacdo Bisha September ee Sanadkaan,iyadoo doorashada Guddoonka Baarlamaankana ay dhici doonto Bisha Sideedaad ee sanadkaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-