Warbixin laga soo saaray Burcad Badeeda ku badatay Xeebaha Afrika

0

Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’ada fadhigeedu yahay Maraykanka ayaa looga hadlay burcadbadeeda.

Warbixintan waxay sheegaysaa in xeebaga Gini ee galbeedka Afrika ay ku bateen afduubka maraakiibta.

Gacan badaha Gini ayaa laga gaystaa afduubka maraakiibta oo madaxfurasho la weydiisto.

Deegaanadaasi ayaa la sheegayaa inay noqdeen goobo khatar ah oo aan la mari karin.

waxaa gacankaasi adeegsada maraakiib iyo doomo badan oo isaga kala goosha.

Kooxdan warbixintan soo saartay ayaa sheegaysa in burcada ay madax furasho qaadato.

Soomaliya ayay sheegaysa warbixintan inay hoos u dhacday afduubka maraakiibta iyo falalka burcadbadeednimada.