TOP NEWS:- Faah faahin laga helayo wafdi ka socday UNDP-da oo gaaray Cadaado

0

Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in saraakiil sar sare oo ka tirsan hey’adda UNDP-da ee Q.M in ay halkaasi gaareen.

Waxaana ay magaalada Cadaado kulan kula yeesheen xubno ka mid ah maamulka Galmudug iyo madxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi Carabey.

Kulanka ayaa waxa ay iskula soo hadal qaadeen hormarinta deegaanada maamulka Galmudug iyo sida Galmudug ay dhinacadeeda kaalin uga qaadaneyso doorashada sanadkan la filayo in ay ka dhacdo dalka.

Saraakiisha sar sare ee Q.M ka socday ayaa waxa ay xarunta baarlamaanka Galmudug kulan kula leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi.