TOP DHAGEYSO:-Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay Xog uruurin lagu sameeyay Kheyraadka dalka iyo Natiijada soo baxday

0

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dalka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu ka warbixiyay baaritaan laga sameeyay dhulka isugu jira Bariga iyo Bada.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkadda Spectrom ay tahay shirkad xogaha uruurisa, baaritaankaan ay iyadu sameysay.

Waxaana uu tilmaamay in baritaanka la sameeyay uu cabirkiisa gaarayo 20582 KM.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dalka ayaa sheegay in dhowaan dowladda Soomaaliya loo soo bandhigi doono baaritaanka.

Dhowaan ayay aheyd markii baaritaan nuucaan oo kale ay sameysay shirkadda SOM OIL and GASS, inkastoo lagu eedeeyay in ay sameysay musuq maasuq.

HALKAAN KA DHAGEYSO