Ku dhawaad 40 Ruux oo Muhaajiriin Soomaaliyeed ah oo la geeyay Dalka Slovakia

0

Muwaadiniintan Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 37 Ruux, kana yimid Dalka Eritrea ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Dalka Slovakia oo ka mid ah Wadamada Yurub.

Muhaajiriintan Soomaaliyeed ayaa la geyn doonaa ama dib u dejin loogu sameyn doonaa Dalka Mareykanka, iyadoona arintaasi ay si wada jir ah ay gacan uga geysanayaan Hay’addaha UNHCR, ORA iyo IOM.

Shukri Cabdi Qaasim iyo qoyskiisa oo ka mid ah Qaxootiga dib u dejinta loo sameeyay ayaa sheegay in Dalka Eritrea uu ku sugnaa middo 19 Sanno ah kadib markii uu ka soo cararay Gobolka Gedo ee Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Qaxootiga dib u dejinta loo sameeyay Sanadkan ayaa gaaraya 281 Ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo la kala geeyay Dalalka  Australia, Slovakia, Canada iyo Mareykanka.