Gabar Soomaaliyeed oo isgubtay iyo xaaladeeda oo isbedeshay

0

Gabar Soomaaliyeed oo 21 jir ah oo magan-gelyo doon ahayd ayaa loo qaaday isbitaal ku yaalla dalka Australia iyada oo xaaladdeedu ay liidato.

gabadhan ayaa isku gubtay gudaha xarun lagu hayo dadka magan-gelyo doonka ah oo ay Austrlia ku leedahay Jaziiradda Nauru.

Nin u dhashay dalka Iraan ayaa isagana kol hore isku gubay xeradaasi.

Arrintani ayaa ku soo beegmeysa muddo ka yar hal isbuuc kaddib markii nin u dhashay dalka Iraan uu dhintay kaddib markii uu sidan oo kale is gubay isaga oo ka careysan in xaruntaasi lagu sii hayo.

Usbuucii la soo dhaafay ayaa dowladda Papua New Guinea waxa ay shaacisay in ay xireyso xarunta Australia ku leedahay jaziiradda Manus ee lagu xiro dadka muhaajiriinta ah kaddib markii maxkamadda sare ay xaruntaasi sheegtay in ay tahay mid sharci darro ah.