Cilmi baaris ballaaran oo Kansarka naasaha lagu sameeyay iyo sharciyo laga soo saaray

0

Koox saynisyahano caalami ah ayaa dhammeystiray daraasadii ugu ballaarneyd ee abid lagu sameeyey cilmiga isirka ee Kansarka gala naasaha, oo ay sheegeen in uu ka siiyey sawir buuxa oo la xiriira waxyaabaha dhaliya cudurkaasi.

Seynisyahanada ayaaa tix raacay in ka badan 500 oo xaaladood oo ah Kanserka naasaha, waxaana cilmi baaristani sameeyey machadka daraasaadka ee Cambridge, waxayna daah-fureen 5 isir oo cusub oo lala xiriirinayo cudurka, taasi oo ka dhigeysa 93 isir in ay isu bedeli karaan buro Kansar noqota.

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in macluumaadkani ay gacan ka geysanayaan daaweynta isirka gaarka ah ee sida Kansarka.