Canug dhisme Nairobi ku dumay laga soo badbaadiyay

0

Canug hal sano jira ayaa laga soo badbaadiyay burburka dhisme dumay afar maalmood ka hor.

Dhacdadani waxay ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta u ah Kenya.

Dhismahaasi oo lix dabaq ahaa ayaa la daganaa ayaa dumay kaddib markii uu da’ay roob mahiigaan ah Jimcihii, waxaana ku geeriyooday ugu yaraan labo iyo labaatan ruux.

Waxaa la rumaysan yahay in dad badani ay wali ku hoos xabaalan yihiin burburka dhismahaasi.

Booliiska dalka Kenya wuxuu sheegay in ay xireen Samuel Karanja Kamau oo lahaa dhismahaasi dumay oo bilo ka hor loo calaamadiyay in la dumiyo.

Saraakiishu waxay sheegeen in uusan ruqsad u haysanin in kuu kireeyo gurigaas oo ka koobnaa 119 qol.

Kamau wali kama uusan hadlin eedaymahaas loo soo jeediyay.

Warbaahinta guduhu waxay ku warantay in ilaa iyo hadda dhismahaas laga soo badbaadiyay 135 ruux.

Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in gabadhaasi yar la helay afartii saqda dhexe iyada oo ku duuduuban buste.