TOP+SAWIRRO:- Ex-Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye oo sheegay in Guryo uu leeyahay ay Dowladda Soomaaliya burburisay

0

Ex-Xildhibaan Jaylaani Cali Kadiye  oo mudo 8 Sano ah ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Guryo uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho oo  Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay si Sharci daro ah u burburiyeen sida uu tilmaamay.

Jaylaani Cali Kadiye ayaa xusay In Labo Guri oo Filo kuna yaala ka soo horjeedka Xaruntii hore ee Ciidamada Asluubta ee Degmada Hodan laga burburiyay,waxaana uu sheegay inuu leeyahay Guryahaasi Milkiyadooda ilaa dowladdii dhexe goobta ay ku yaalaana ay tahay goob Sharci ah.

Sidoo kale Jaylaani Cali Kadiye ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan Dowladda oo uu Xariir la sameeyay ay ku wargaliyeen in lagu qaldoomay Guryihiisa si qalad ahna loo dumiyey,balse waxaa uu ku adkeystay inuu doonayo in Magdhaw laga siiyo Guryaha laga burburiyay Sharcigana la hor keeno Dadkii ka dambeeyay Falka lagu burburiyay.

Jaylaani Cali Kadiye oo sii hadlay ayaa xusay in Burburinta Guryahaas ay ka dhalatay Khasaare kale oo Hantiyadeed,waqtigii Guryahaas la burburinayay.

1 2 3 4 5 7 8 9 10