DHAGEYSO WAREYSI:- Maxay tahay Sababta ay isku gubtay Gabadha Soomaaliyeed ee ku sugan Jaziiradda Nauru ?

0

Wararka ka imanaya Jaziiradda Nauru ee ku taalla badhtamaha Badweynta Pacific-gga ayaa sheegaya in Gabadh Soomaaliyeed ay is gubtay.

Gabadhan oo hadda isbitaalka ku jirta ayaa ka mid ahayd dad magan-galiyo doon ah oo dawladda Australia ay ku hayso jasiiraddaas, kadib markii ay doonyo sharci darro ah ku galeen Australia.

Dhawaan ayaa nin u dhashay dalka Iran uu sidoo kale isna isku gubay jaziiraddaas, isaga oo markii dambe geeriyooday.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga Sahra Maxamuud Xuseen oo ka mid ah Soomaalida lagu hayo jasiiraddaasi.