DHAGEYSO WARBIXIN:- Al-Shabaab oo dhibaato ay soo wajahday iyo in Ka badan 100-Tuulo oo laga saaray

0

Howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ayaa maalmahan waxa ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bakool.

Gudoomiyaha degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool Maxamed Cabdulle Food Cadde ayaa sheegay in tuulooyin fara badan oo hoos yimaada degmada Tiyeeglow ay ka saareen ururka Al-shabaab.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in howlgaladan ay wax badan ka bedeli doonaan amaanka degmada Tiyeeglow, iyadoo uu sheegay in dhowaan ay isku furi doonaan degmada Xudur iyo Tiyeeglow oo isku jira 90 KM.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa amaro ku bixiyay in howlgaladan laga bilaabo degmooyinka gobolka Bakool, waxaana hada ay howlgalaasi ka socdaan degmooyinka Xudur, Waajid iyo Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool.

HALKAAN KA DHAGEYSO