DAAWO KHUDBAD XASAASI AH: Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Ka Faa’iideysiga Kheyraadka & Arrimo muhiim ah!

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Abdiweli Maxamed Ali Gaas ayaa maanta khudbad Qiimo leh oo uu ka jeediyey magaalada Boosaaso, wuxuu kaga hadlay Midnimada Soomaalida, Kheyraadka dalka, Horumarka socda & La dagaalanka Argagixisada.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in mashaariicda horumarineed ee ka socda Puntland & Ujeedada laga leeyahayba ay tahay in lagu hormariyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in haddii aan isbedelin kaabayaasha dhaqaalaha, aysan isbedeleyn xaaladda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal aan faqri aheyn, balse hadda Kheyraadka ku jira uu ka dhigay meel Faqri ah.

La dagaalanka Al- Shabaab wuxuu sheegay in meel looga soo wada jeesto ayna muhiim tahay in nabadda laga wada shaqeeyo, oo ay tahay midda horumarka o dhan ka qeyb noqon doonta.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Sacuudiga u tagey sidii loo heli lahaa Maalgalin caalami ah, isla markaasna guul wanaagsan laga gaaray Booqashadaas, maadaama dalka oo dhan la doonayo in la horumariyo.

HALKAAN KA DAAWO

https://www.youtube.com/watch?v=u_KEYdwTj_U