DHAGEYSO:- Qoysas horay uga Barakacay Lamu oo Cabsi ay ka qabaan Al-shabaab aan weli ku laaban Deegaankooda

0

Ku dhawaad 21 qoys oo horay uga soo barakacay tuulada Milimani ee degmada Lamu ayaanan weli ku laaban guryahooda,iyaga oo horay uga qaxay deegaankooda,cabsi ay ka qabaan ururka Al-shabaab.

Qoyskaan ayaa sheegay in aysan jirin feejignaan ay wadaan ciidamada ammaanka dalka Kenya ayna suurta gal tahay hadii ay ku laabtaan in ay weeraro kala kulmaan Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa weli qaarkood ay qabaan in aysan helin wax badan oo ay helaan Kenyan-ka kale,sidaasi darteedna ay ka codsanayaan dowlada dhexe in ay siiso waxyaabaha ka maqan.

Dadkan ayaa ka tagay tuulada bishii August 15,2015,xiligaasi oo wakhti yar kadib ay 100 ka tirsan dagaal yahanada Alshabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen tuulada Basuba oo daris la’ah Milimani,halkaasi oo ay ugu khudbadeeyeen in kabadan 300 oo ka mid ah dadka deegaanka,waxaana waxii intaas ka dambeeyey dadka soo wajahay cabsi ay ka qabaan Alshabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-