XOG:- Xubnaha Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo Qeyb laga siin doono Dad aan Soomaali aheyn, Ma Itoobiyaan Baa ?

0

Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow maamulka Jowhar, ayaa sheegaya in maamulka loo dhisi doono Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe xubno looga ogolyahay Jaaliyadda eritrea ee Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaa in magaalada Jowhar ay ku noolyihiin inkabadan 60 qoys oo eritrea-n ah kuwaasi oo la sheegay inay ku dhasheen dalka, islamarkaana loo ogolaanaayo xuquuqdii ay ku lahaayen dalka.

Maamulka Jowhar ayaa shirka ka socda magaalada Jowhar ka qeybgalinaaya dhamaan Beelaha halkaasi dega ee xuquuqda ku leh, waxaana la rumeysan yahay in eritreanka ay aad ugu badan yihiin Magaaladaasi, sidaana ay ku muteysankaraan kamid noqoshada Maamulka Cusub.

Eritreanka ku nool Somalia, ayaa sidoo kale la sheegayaa in Somalia ay ka degaan ilaa 4 Degmo sida Xamar-Jajab, Waabari, Xamar-weyne iyo Shangaani.

Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Beej-ka Jaaliyadda eritrea ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Somalia ay ku noolyihiin inkabadan 700 oo gabi ahaantooda la sheegay inay ku dhasheen Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Jaaliyadda eritrea ee Somalia la aasaasay sanadii 1920-ka, iyada oo xarumo aad u weyn ku laheyd Somalia, gaar ahaan Degmada Shangaani, balse markii danbe ku baxday Burburkii Dowlada Dhexe ee Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Eritreanka ku nool Somalia ay Taariikh ku leeyihiin Somalia, iyaga oo kamid ahaa Xukuumadihii tagay, waxa ayna Dowladii hore ee Somalia kasoo qabteen xilal mid Siyaasadeed iyo Mid ciidan, sidaa aawgeedna ay xuquuq ku leeyihiin Baarlamaanka cusub ee iminka uu yeelan doono Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaani iyo kamid noqoshada Baarlamaanakada dalka mid Dowlad ilaa Gobol ayaanla ogeyn waxa ay Dowlada Somalia ka dhihi doonto.