Wadahadalladii Suuriya oo dib u billaabanaya

0

Magaalada Geneva ayaa lagu wadaa in maanta uu ergayga QM u qaabilsan Suuriya Staffan de Mistura kaga dhawaaqo in la sii amba qaadayo wada hadalladii nabadda ee Suuriya, walow ay magaalada ka amba baxeen ergadii wadaxaajoodka uga qayb galaysay mucaaradka.

Wuxuu ka codsaday dhinacyada inay dib u cusboonaysiiyaan xabbad joojinta, lana dardar galiyo gargaarka bani’aadminimo.

Ka dib muddo todobaad ah oo is mari waa uu taagnaa, laakinse horumar yar oo sidaa aan u weynayn lagu tallaabsaday, ayey wadahadalladu u ekaadeen inay burburayaan.

Laakin Mr de mistura wuxuu sheegay in xaaladda suuriya ay tahay mid culus oo ka fog in laga huleelo hanaanka diplomaasiyadeed.