TOP+SAWIRRO:- Saraakiil Booliska Soomaaliya Katirsan Oo Tababar Loogu Qaadayo ROMA

0

Illaa 30 Saraakaal oo katirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan la filayaa in ay u ambabaxaan magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeybgali doonaan tababar aqoon kororsi ah oo socon doono mudda 3 bil ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud ayaa maanta Xaflad Sagootin ah magaalada Muqdisho ugu Sameeyay sareeyeyaashaasi, Isagoo kula dardaarmay in ay waqtigooda si wanaagsan uga soo faaideystaan dalkana wax ku soo kordhiyaan.

Sareeyeyaasha ayaa inta ay ku maqanyihiin dalka Talyaaniga la baridoonaa shuruucda Casriga ah ee ku soo korortay Booliska Adduunka iyadoo tallaabadaasina ay qeyb ka tahay ballanqaadyo horay dowladda Talyaaniga ay ugu sameysay Taliska Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Dhinaca Kale Taliyaha Ciidanka Booliska Gaas Maxamed Sh Xasan Xaamud ayaa ka qeybgalay munaasabad tababar loogu soo xirayay Guuddoomiyaasha 17-ka degmo iyo taliyeyaasha saldhigyada booliska Gobalka Banaadir.

Tababarka waxa uu la xiriiray sidii sidii ay isugu xirnaan lahaayeen Laamaha Ammaanka iyo Guddoomiyaasha Degmooyinka si looga hortago falalka lidka ku ah Amniga.

1 2 3 4 5 6 7 8