TOP+SAWIRRO:- Mashruuc Dhoofka Xoolaha Soomaaliya Oo Uu Maalgalinayo Midowga Yurub Oo Muqdisho Ka Furmay

0

Kulankaan lagu daah furayay Mashruuca Dhoofka Xoolaha Soomaaliya ayaa waxaa uu maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda xanaanada.

Kulankan waxaa sidii kale ka qayb galay wakiillo ka kala socday maxjaraka dhoofka xoolaha dalka iyo shirkadaha qaabilsan dhoofinta xoolaha Soomaaliya ayaa ujeedkuusu ahaa in si rasmi ah loo daahfuro mashruuca ka ganacsiga xoolaha Somalia kaa oo ay iska kaashanayaan wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo ururo ay ka mid yihiin Midawga Yurub iyo midawga Afria.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Goodir iyo xildhibaan Siciid Maxamed Cali Oo Kutirsan guddiga xanaanada xoolaha baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan ayaa bogaadiyay mashruucaan la daah furay,niyagoo wasaaradda u soo jeediyeediyay in ay waqti iyo garab istaag siiso ganacsatada xoolaha.

“mashruucani waa muhiim aadbaan ugu ammaanayaa wasaaradda daah furka mashruucaan, waxaa uu muhiim u yahay bulshadda Soomaaliyeed guud ahaan xoolaha Soomaaliya ka ganacsigooda in aduunyadu u soo kala hormarto ayuu sahlayaa, wasaaradda waxaan ka codsanayaa in ganacsatada xoolaha ay gacan weyn ka siiso howsha ay hayaan”ayuu yiri xildhibaan Siciid.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa ugu dambeyntii ka hadlay kulanka waxaana uu carabka ku dhuftay in hirgalinta mashruucaan ay wasaaraddu dadaal badan ku bixisay.

“Mashruucaan wasaaradda ayaa waqti iyo dadaal galisay in la hirgaliyo, waxaana maalgalinaya Midawga Yurub, waa muhiim mashruucaani waxaa uu naga gacansiinayaa in aan soo celino in aduunyada loo iib geeyo xoolaheenna wadamada Khaliija oo dhan, dhawaan waan soo celin doonaa xiriirkoodii, Masar iyo dalal kalena waan ku guuleysanay” ayuu yiri wasiir Ciid.

1 2 3 4 5 6 7