TOP:- Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay dhismaha ciidamada Qaranka

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay suuragalin karto in la yareeyo qorshaha ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga tahriibayaan dalkooda.

Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in arin weyn oo murugo Qaran ah ay ku tahay in dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku dhintaan bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga xilli ay doonayeen in ay utahriibaan qaarada Yurub.

Wasiirka ayaa sheegay in doorka ugu weyn ay Wasaaradda Difaaca ka qaadan karto arintan ay tahay in ciidamada xoogga dib loo tayeeyo.

Waxaana uu baaq ujeediyay dhalinyarada Soomaaliyeed isagoo kula dardaarmay in ay iska daayaan tahriibka oo ay ka mid noqdaan ciidamada xoogga si dalkooda ay u difaacaan.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in adkeynta xuduudaha ay keeni karto in si sharci daro ah ay dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku galaan wadamo kale.

Dhowaan ayay aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa 200 oo qof ay doon kula qalibantey bada udhaxeysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.