TOP NEWS:- Waxgaradka Beesha habar gidir oo Eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

0

Kulankan oo Beel weynta Habar Gidir ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxey uga cabanayeen Dhul boob lagu hayo Dhibanayaal ka tirsan Beeshaasi.

Ugu horeyn, Saciid Siyaad Shirwac oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ka mid yahay dhibanayaal sida uu tilmaamy laga boobay dhul ku yaala nawaaxiga Dugsiga Farsamada ee Buulo-Tikniko ee Degmada Waabari, waxuuna hoosta ka xariiqay in dhulkaasi ay u heystaan Dukumiintiyo sax ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa dhibane Saciid Siyaad waxaa uu tilmaamay in dhulkaasi lagala wareegay xili gudoomiyaha Goboka uu ahaa Muungaab tan iyo waqtigaasina ay dacwooyin badan ka soo mareen balse aysan jirin wax kasoo naasa cadaaday ama laga qabtay cabashadooda sidaas darteedna markii ay u cadaatay in u jeeda kale laga lee yahay dhul-boobka lagu hayo dhulkooda ay beeshooda kula soo laabten dhibatada lagu hayo.

Dhankiisa, Gudoomiyaha Gudiga Beesha Habar Gidir, Abuukar Ganeey sheegay in ay u yimaadeen dad ka tirsan beeshooda oo tirsanaya cadaalad darro kadib markii dhulkooda la boobay.

Guddoomiye Abuukar Ganeey ayaa dhinaca kale xusay in xafiiska wax dhisa waxna dumiya ay ka arimiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale, xili loo baahnaa in ay wax ka qabtaa dhibaatada haysata dadka ka soo jeeda beesha Habar Gidir.

Mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dadka ka cabanaya dhul-boob isla markaana cadaalad dara ka tirsnaya Dowladda Soomaaliya.