TOP DHAGEYSO:- Somaliland oo codsatay in la cadeeyo Mowqifka Turkiga ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland

0

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta maamulka Soomaaliland Axmed Aadan Ismaaciil oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xubno ka tirsan wasiirada maamulka Soomaaliland ay ku sugan yihiin magaalada Ankara ee dalka Turkiga, halkaas oo la filayo in wadahadal udhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland uu dhowaan ka bilowdo.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada maamulka Soomaaliland uu wadahadalkaas umatalaya ay ku sugan xilligan wadanka Turkiga ujeedadoodu ay tahay in taageere dal la siiyo maamulka Soomaaliland.

Dhanka kale waxa uu sheegay in socdaalkooda uu hordhac u yahay inta uusan furmin shirka in Soomaaliland ay xaqiijiso mowqifka wadahadalka iyo doorka ay ku leedahay.

Dhowaana ayaa kulan udhaxeeya aqoonyahano kala matalaya maamulka Soomaaliland iyo Koonfurta Soomaaliya waxa ay kulan ku yeesheen dalka Turkiga kaas oo aan lagu soo hadal qaadin siyaasadda.

Soomaaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay dhaliishay doorka ay Turkiga ku leeyihiin wadahadalka udhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland.

HALKAAN KA DHAGEYSO