TOOS U DHAGEYSO:- Xukuumada Soomaaliya oo si Kulul kaga hadashay Dadka birmageydada ah ee lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose iyo Digniin loo jeediyay Dadka hurinaya

0

Xukumadda Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay Dadka birmageydada ah ee lagu dilay Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Duleedka Magaalada Marka,kuwaas oo ahaa 6 Caruur ah iyo Ayeeydood.

Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa sheegay in lala Xisaabtami doono Qof kasta oo Micno daro u daadiya Dhiiga Shacabka Soomaaliyeed Sharcigana la marsiin doono.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayri Maareeye ayaa sheegay in Ciidanka Booliska Soomaaliya looga fadhiyo in ay baaraan Kiisaska nuucaas ah oo ay daba gal ku sameeyaan.

Todobaadkii hore bartamihiisa ayey aheyd markii Duleedka Magaalada Marka lagu Gubayo Qoys ka koobnaa 7 Ruux oo Lix ka mid ah ay Caruur 7 jir ugu weyn yahay ay ahaayeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO