TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Caabudwaaq oo soo saaray Amaro ka dhan Shirar Siyaasadeed oo lagu qabto Magalaadaasi

0

Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa Amar ku bixiyay in aan magaaladasi lagu qaban karin Shirar Siyaasadeed oo lagu Mucaaradayo Maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq Mahad Cumar Cilmi oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Maamulkiisu uusan u dul qaadan doonin Shirarka looga hadlayo Siyaasadda islamarkaana looga soo horjeedo Galmudug.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ciddii Shirar Nuucaas ah ku qabata Degmada Caabudwaaq ay Talaabo Sharci ah ka qaadi doonan.

Degmada Caabudwaaq ayaa Maalmihii dambe waxaa ka dhacayay Shirar lagu Mucaaradayo Dowlad Goboledka Galmudug.

HALKAAN KA DHAGEYSO